Qaylo-dhaan laga soo saarey "laga waddo" biyaha Soomaaliya

Image

HOBYO, Galmudug – Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo sheegay in maraakiib ay xeebaha magaaladaas ka wadaan jariif ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo Galmudug in ay la tacaalaan.

Gudoomiyaha degmadaas, Cabdullaahi Faado oo u waramay warbaahinta, ayaa maraakiibtaas la xiriiriyey ciidamadda caalamiga ah ee biyaha dalka Soomaaliya u jooga la dagaalanka burcad-badeeda.

"Waxay maalin walba iyo habeen walba ka qaataan badeena kaluunkii, waxay baabi'iyeen kheyraadkii meelihii ay ku gamban lahayd Aar-goosatada; dowladda federaalka, howlgalka iyo EUCAP waa in ay wax ka qabtaan," ayuu yiri, isagoo agagaarka xeebta kula hadlay saxaafadda.

Mr Faado ayaa tibaaxay in uu dhowr jeer kala hadlay saraakiisha howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda siddii wax looga qaban lahaayeen dhibaatadaan, balse illaa iyo haatan aysan qaadin talaabo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in kaluumeysatada degaanka ay dhibaato ku qabaan maraakiibta isla markaana ay waxyeelo u geysanayaan hadii ay badda galaan.

Dhanka kale, ma jirto wax jawaab ah oo taliska ciidamadda caalamiga ah ee jooga badda Soomaaliya kasoo saarey eedeyntaas.

Biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kamid yihiin kuwa caalamka ee ay ka dhacaan xadgudubyadda ugu balaaran, balse ma jirto qorshe muuqda oo xukuumadda talada haysa wax uga qabaneyso.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay maamulka degmadda Hobyo ayaa kusoo aadeysa xilli ay socdaan qorsheyaal la doonayo in dib-u-dayactir loogu sameeyo dekadda magaaladda oo haatan maalgelin loo raadinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM