Qodobo kasoo baxay shirka Jabuuti, wafdiga Somaliland oo kala hadlay

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti - War-murtiyeed wadajir ah ayaa laga soo saarey shirkii maanta ay Jabuuti ku yeesheen wafdi ay kala hogaaminayaan madaxweyneyaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

War-murtiyeedka Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Dalka Jabuuti

Shirkii heerka sare ahaa ee wada-tashiga dowlada federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Djibouti 14 June 2020, kuna qabsoomay curintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo hoggaamiyayaasha kale ee Gobolka ee kala ah:

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, si dib loogu bilaabo wada-hadalladii ku saabsanaa xiriirka dowlada federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxa ka soo baxay qodobadan:

 Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen kaalinta muhiimka ee Jamhuuriyadda Djibouti kaga jirto nabadaynta Gobolka Geeska Afrika.

 Waxa la isla gartay in muddadii ka horaysay shirkan taariikhiga ah ay dhaceen dhawr wareeg oo wada-hadallo ah balse aan midho dhalin.

 Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wefti ay dib u bilaabaan wada-hadalladii labada dhinac, sidoo kale ay daba-galaan heshiisyadii iyo arrimihii hore loogu heshiiyey ee aan fulin.

 Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn gar-gaarka dhinaca horumarka iyo maal-geshiga.

 Shirku waxa uu soo jeedinayaa in Djibouti noqoto goobta Shirarka Farsamo ka qabsoomayaan.

 Waxa la isla gartay in muhiimadda u saraysa ay leedahay danaha labada shacab ay ahaato xuddunta wada hadallada labada dhinac.

 Shirku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ururada gobolka, qaaradda iyo caalamkaba in ay isugu geeyaan taageeradooda wada hadalladan.


Dhanka kale, wafdigii Somaliland ku metelayey shirka ayaa kala hadlay; afhayeenka baarlamaanka, Saleebaan Maxamuud, wuxuu sheegay in uu burburay shirka, halka wasiirka arrimaha dibadda uu arrintaas beeniyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM