Qof ku dhintey miino lagu xiray gaari

Image

15 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdisho lagu diley qof shacab ah ka dib markii miino loogu xirey gaari uu watay.

Ninka dhintay ayaa ahaa Injineer u shaqaynayay dowladda Somalia, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Xamar jajab oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Qaraxa lagu dilay Injineerka oo lagu magacaabi jiray Siidoow Cali Cusman ayaa ka dhacay meel u dhaw gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

Isla goobta ayuu ku geeriyooday, waxaana goob jooge la hadlay Garowe Online uu sheegay in qaraxa loo malaynayo mid horay loogu sii xiray gaariga uu watay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa goobta gaaray, waxaana socda baritaanno ku aaddan sida wax u dheceen.

Ma jiraan cid kale oo wax ku noqotay sida uu sheegay Axmed Cismaan Dhoorre Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab, balse qaar ka mid ah dadkii ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya inuu jiro dhawaca hal qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM