Qof Soomaali ah oo Masar ugu geeriyooday fayruska Corona

Image

KHAAHIRA, Masar – Qof Soomaali ah ayaa dalka Masar ugu geeriyooday caabuqa Coronavirus, sidda ay maanta baahisay Warbaahinta Qaranka.

Sidda ku xusan warbixinta, shaqsigaas oo yimid waddanka Mareykanka ayaa ku dhintay magaaladda caasimadda ah ee Khaahira.

Wallow telefishinka dowladda uusan shaacin magaca ruuxaas, muddo todoba cisho ah ayuu ku waramay in uu ku sugnaa dalkaas.

Geerida muwaadinkaas ayaa waxay kordhineysaa tiradda Soomaalida wadamada caalamka ugu dhimaneysa fayruskaas sidda fudud ku faafa.

Sweden iyo Ingiriiska ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen in ka badan tobban Soomaali ah, iyaddoo tirro kale ay isbitaalada ku jiraan.

Gudaha Masar, waxaa la xaqiijiyey in ka badan 500 kiis oo Covid—19 ah. Dhimashadda waxay ka badan tahay 20 ruux.

Saraakiil sar-sarre oo ka tirsanaa milatariga Masar ayaa kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu galaaftay xanuunkaas aafeeyay dunida.

Dowladda Masar ayaa soo rogtay bandow balaaran, iyaddoo la ganaaxay xarumo ganacsi oo boqolaal gaaraya kuwaasoo jebiyey amarka xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM