Qoraal laga soo saaray mooshinka Madaxweynaha Somalia [Akhriso]

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Wadatashi Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Gudoomiyaha Barlamanku oo weheliyaan qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa kulan ay ku yeesheen magalada Muqdishu ka soo saaray qodobo la sheegay in lagu sameeyay sixid.

Gudoomiye Barlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay waxyaabaha la saxay ee ku xusnaa mooshinka Madaxweynaha, wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in la dar dar galiyo shaqada culus ee Barlamanka hor yaalla.

Dhinaca kale Ra'isal wasaare Sharmake ayaa sheegay in xukuumadda Somalia ka go'antahay qaabkii loo hirgalin waxyaabaha la isku afgartay, wuxuuna xusay inay mudanayaashu ku qanceen arrinkan.

Moshinkan oo la soo gudbiyay 12 Augusto, ayaa soo maray heerar kala duwan oo dhaliyay khilaaf xooggan oo ka dhex aloosnaa mudanayaasha, waloow kulanka la sheegay in lagu saxay qodobada mooshinka qaadaceen qaar ka mid ah Xildhibaanadii keenay.

Halkan hoose ka akhriso qodoban la saxay oo nuqul ka mid ah Garowe Online soo gaaray;

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM