Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo isku shaandheeyey golihiisa wasiirrada

Image

October 25, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiirrada. Isku-shaandheynta ayaa si gaar ah u saamaysay siddeed wasaaradood. Ma jiro mas'uul booska laga saaray waxaase aad loo hadal hayaa Wasiirkii Garsoorka Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo laga dhigay Wasiirka Xanaanada Xoolaha. Faarax Cabdulqaadir ayaa kamid ah shaqsiyaadka ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

1- Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed
Horay: Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka.
Hadda: Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

2- Saalim Caliyo Ibrow
Horay: Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
Hadda: Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka.

3- Burci Maxamed Xamza
Horay: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda.
Hadda: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

4- Cabdulaahi Maxamed Nuur
Horay: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
Hadda: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda.

5- Fahmo Axmed Nuur 
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga.

6- Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wershedaha.
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Dibadda.

7- Mahad Maxamed Salaad
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Dibadda.
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

8- Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.

Isku-shaandheynta ayaa ahayd mid maalmihii u dambeeyey la filayo inkastoo la saadaalinayey in wasiirro badan xilalka laga qaadi doono kuwo kale oo cusubna lasoo magacaabi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM