Ra'iisul Wasaraha oo la kulmay odayaasha Baydhabo

Image
Image
Image
Image

Isniin, Sept 15, 2014 (Garowe Online)- Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed oo shalay gaaray magalada Baydhabo ayaa xalay ilaa maanta galinkii hore wuxuu la kulmay qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha gobalka Bay.

Arrimaha ugu muhiimsan ee Ra'iisul Wasaaruhu uu kala hadlay odayaasha waxaa ka mid ah dowladnimada iyo in la taageero mamulka saddexda gobal ee koonfur galbeed, waxayna dhankooda balan qaadeen inay garab taagan yihiin dhismaha mamulka ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

“guul ayuu kusoo dhammaaday socdaalkii aan ku tagay Baydhabo, waxaan soo furnay shirkii dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha maamulka KMG ah ee koonfur galbeed, waxaan xalay la kulmay odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyayaasha siyaasada gobolka dhammaantoodna waxay noo muujiyeen taageerada ay u hayaan shirka dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddu hormuudka u tahay” Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidaas yiri.

Shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo shalay ka furmay ayaa sida qorshuhu yahay wuxuu soconayaa afartan iyo shan cisho wajiga koowaad ayaa lagu sheegay diirradda in lagu saarayo is-cafin iyo isi tanaasul.

Cabdiwali Shiikh Axmed  oo maanta ku laabtay Muqdisho ayaa uga sii duulay magalada London halkaasoo uu kaga qayb galayo shir looga hadlayo tayeynta ciidamada qalabka sida ee sida ee Somalia.

Dowladda Somalia ayaa ku guul daraysatay labadii sano ee lasoo dhaafay adkaynta amniga, Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorshaysay oo ay fuliyeen dagaal yahano ka tirsan Ururka Al-Shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM