Ra'isal wasaaraha cusub oo Arbacada Barlamanka hortagaya

Image

December 22, 2014 (GO)- Ra'isal Wasaaraha dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacad Barlamanka hor tago si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Ilo-wareedyo ka ag dhow xafiiska Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa warkan u xaqiijiyey Garowe Online.

Wararka hoose ee GO heleyso ayaa tibaaxaya in badi xildhibaanadu codka kalsoonida siin doonaan Sharmaarke oo isagu horay ra'isal wasaare uga soo noqday dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed.

Todobaad kahor ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay ra'isal wasaaraha cusub kadib markii horraantii bishan December Barlamanku kalsoonida kala noqday Ra'isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM