Ra'isal wasaaraha la magacaabi doono oo ka dagey Muqdisho

Image

Dec 16,2014 [ GO]- Waxaa saaka ka dagey magaalada Muqdishu Ra'isal wasaaraha Cusub oo la magacaabi doono Cumar Cabdirashid Cali Sharmake kadib markii uu kasoo dhoofey magaalada Nairobi.

Mud. Cumar oo garoonka diyaradaha magaalada Muqdishu kusoo dhoweeyeen dad isigu jira siyaasiyiin iyo Xildhibano ayaa loo gudbiyey Hotelka Al-Jazeera kasoo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdhso.

Garowe Online oo ahaa warsidaha Kowaad ee soo gudbiya xogta sheegaysa in Mud. Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake qaban doono xilka Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa fahansan in  dhici doono maalmaha soo socda.

Cumar Cabdirashid ayaa Aaabihiis Madaxweyne kasoo noqdey dalka Somalia 1964 halka isaga Ra'isal wasaare loo magacaabey 2009 balse is-casiley 2010 kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley Shiikh Shariif.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM