Ra'isal Wasaaraha oo booqdey dadkii ku dhaawacmey qaraxa

Image
Image
Image
Image

February 23, 2015 (GO)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqdey Isbitaalka Ordugan, halkaasoo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmey qaraxyadii saddex maalmood kahor ka dhacay Central Hotel.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u booqdey kana xog wareystay xaaladdooda caafmaad, inkastoo ay ku jiraan Isbitaalka dad ay xaaladoodu adag tahay, Ra’iisul wasaaraha inta uu booqanayey dhaawacyada wuxuu sidoo kale warbixino ka dhageystey qaar kamid ah dhaqaatiirka isbitaalkaas ka hawlgasha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulan la qaatay maamulka Isbitaalka Erdogan ee horay loo oran jiran Digfeer, kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa shaqooyinka isbitaalku bixiyo dhammaan dadkuna uga faa'iideysan lahaayen.

Wasiirka Warfaafinta  Maxamed Cabdi Xayir oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii loosoo eegi  lahaa xaaladda guud  dadkii ku soo waxyeelloobay qaraxii Central Hotel ka dhacay Jimcihi la soo dhaafay, isla markaana dadaal loogu bixin lahaa dhaawacyada u baahan in loo fidiyo gurmad caafmaad oo dibedda ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaruhu uu uga mahadceliyey maamulka Isbitaalka Ordugan sida ay ugu dadaaleen in lala tacaallo xaaladda caafmaadka dhaawacyada la keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 02:08PM

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Inay Ku Darto Af-Swahili Manhajka Waxbarashada dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in jaamacadaha dalka ay hormuud ka noqdaan barashada iyo faafinta afka Swahili-ga.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 01:06PM