Ra'isal Wasaaraha oo gaarey magaalada Cadaado

Image

May 31, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa gaarey magaalada Cadaado, halkaasoo lagu wado inuu maanta ka furmo wejiga labaad ee shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Wafdiga Ra'isal Wasaaraha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidan, waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka, waxaana intaas kadib loosoo gudbiyey goobta loogu talo galay inay degaan.

Horay waxaa degmada Cadaado ugu sugnaa wasiirro, xildhibaanno iyo in badan oo kamid ah isimmada iyo cuqaasha beelaha dega gobollada dhexe.

Faah faahin ku saabsan shirka Cadaado iyo booqashada Ra'isal Wasaare Sharma'arke degmadaas maanta ku gaarey dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM