Ra'isal wasaaraha Somalia oo ka qayb galay shir ka dhacaya Brussels

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la qorshaynayaa inay ka qayb galaan shir looga hadlay arrimaha qaxootiga Somalia.

Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta Midowga Yurub ee magalada Brussels dalka Belgium, waxaana ka soo qayb gali doonaa wufuud ka socota Somalia, Kenya, Uganda, Ethopia iyo Yemen, waxaan diirada lagu saari doonaan balanqaayadii Midowga Yurub ee qaxootiga waxa ka fulay.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, ayaa cadaysay inay yaraateen lacagaha Yurubka Midoobay ugu deeqaan qaxootiga.

Dalalka shirka ka qayb galaya ayaa marka Somalia laga reebo, waxaa ku sugan qaxooti Somaliyeed oo ka soo qaxay colaadda dalka.

In kabadan labo milyan oo Somali ah ayaa barakacay, 1.1 milyan waxay ku barakaceen dalka gudihiisa, 967,000 kale waxay qaxooti ku yihiin waddamada Afrika, waxaana ka mid ah 420,000 oo ku nool xeryaha qaxootiga dhadhaab iyo xagardheer ee Waqooyi Bari Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM