Ra'isal Wasaaraha Somalia oo ku wajahan gobolka Galguduud

Image

June 27, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay u ambabaxaan gobolka Galguduud.

Mudane Cabdirashiid iyo wafdigiisa ayaa booqan doona degmada Dhuusomareeb, halkaasoo kulamo gaar gaar ah uu kula qaadan doono madaxda Ururka Ahlu Sunna iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammadaas ayaa intooda badan ujeedadoodu tahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa dhowaan ka baxday shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Cadaado ka socda, waxay sidoo kale shaacisay inay gebi ahaanba xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ahlu Sunna waxay todobaad kahor iclaamisay inay qabaneyso shir ka madax bannaan midka Cadaado, kaas oo qorshuhu yahay in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe.

Ra'isal Wasaaraha ayaa arrimahaas oo dhan kala hadli doona madaxda Ahlu Sunna oo iyagu ku andacoonaya in aan la siinin mudnaantii ay lahaayeen layskana indho tiray jiritaanka maamulka Ahlu Sunna iyo dagaalladii uu la galay Al-shabaab.

Dhanka kale, Ra'isal Wasaaraha ayaa booqan doona degmada Cadaado halkasoo weli uu ka socdo shirka lagu dhisayo maamulka loogu magac daray Galmudug ee loo sameeyey gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Ergooyinka, siyaasiyiinta iyo mas'uuliyinta Dowladda Federaalka ee Cadaado ku sugan ayuu kala hadli doonaa sidii loo qancin lahaa Ahlu Sunna, loogana qayb gelin lahaa maamulka uu dhismihiisu gaba gabada ku dhow yahay.

Mudane Sharmaarke wuxuu sidoo kale ka qayb geli doonaa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas oo lagu wado inay dhacdo horraanta bisha soo socota ee July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM