Ra'isal wasaaraha Somalia oo kulan la qaaday Uhuru Kenyata

Image

08 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia aya kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xaaladda Somalia iyo sidii loo samayn lahaa guddi labada dhinac ka kooban oo ka shaqeeya xiriirka labada waddan.

Kulankan, waxaa Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ku weheliyay, qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda, waxaana shirkaasi lagu qabtay maglada Nairobi xarunta Kenya.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay kulanka dhexmaray labada mas'uul ayaa sheegay inay diiradda ku saareen is aragooda arrimo lagu hormarinayo xasiloonida gobolka iyo wadashaqayn toos ah oo dhexmara Somala iyo Kenya.

Uhur Kenyata, waxaa sidoo kale uu xusay inay ka wada hadleen Ra'isal wasaaraha Somalia sidii loo samayn lahaa guddi isku dhaf ah oo Somalia iyo Kenyati isugu jira kuwaasi oo ka shaqayn doona xiriirka labada wadan.

Shirkan ayaa yimi ka dib booqasho Cumar Cabdirashiid ku tagay dalka Kenya Jimcihii la soo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM