Ra'isal Wasaaraha Somalia oo la kulmey dhiggiisa Ethiopia

Image

March 10, 2015 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa dalka Ethiopia gaareen ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray dhiggiisa dalka Ethiopa Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Tedros Adhanom. 

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arimo badan waxaase ugu muhiimsanaa xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo iskaashiga ay ka leeyihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Cumar Cabdirashiid ayaa uga mahad-celiyay dawladda Ethiopia qaybt ay ka qaadaneyso dib usoo celinta xasiloonida Soomaaliya, isagoo xusey in Dowladda Federaalku dadaal ugu jirto xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah si dadka Soomaaliyeed u helaan adeegyada bulshada ee muhiimka ah.

"booqashadan rasmiga ahi waxay qayb ka tahay socdaallo aan ku mari doono dalalka dariska iyo saaxiibka la ah Soomaaliya si aan u dar-dargalino xiriirka iyo iskaashiga aan la wadaagno dalalkaas" ayuu yiri Ra'isal Wasaaraha oo isaga oo Addis Ababa ku sugan la hadlay warbaahinta Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa ku weheliya booqashadiisa xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Axmed Cabdisalaan, Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Khadija Al-Maqsumi,  Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe iyo Lataliyayaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM