Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid oo ka hadley weerarkii Kismayo

Image

22 August,2015 (GO)- Ra'isal wasaaraha Somalia oo ka hadley maanta weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaadey xero ciidamo ee ku taal magaalada Kismayo halkaasoo ku dhinteen 15 askari halka dhaawac gaaryo 20 Askari.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa sheegey in weerarkaan ahaa mid kooxaha nabad diidka ah rabaan iney ku carqaladeyaan hanaanka dib-u-dhisida qaranka Somalia

Ra’iisul Wasaare Cumar oo weerarka ka hadlaya ayaa yiri: 

“Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen Jaamacadda Kismaayo oo saldhig u ah ciidamadda xoogga dalka Somalia, weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed”.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Somalia kama weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow”.

“Waxaan Tacsi u dirayaa ciidanka geesiyaasha ah ee ka tirsanaa xoogga dalka Somalia e weerarkaasi ku geeriyooday, waxaana sidoo kale tacsi u dirayaa cid walba oo falkaas argagixiso ay waxyeelo kasoo gaartay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirshiid Sharmarke.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM