Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Dhuusomareeb ku wajahan

Image

March 7, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharma'arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degamda Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Ujeedada booqashada Ra'isal Wasaaraha ayaa ah sidii uu ula kulmi lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Galguduud islamarkaana uga qayb geli lahaa shirka loogu gogol xaarayo maamul u sameynta gobollada dhexe ee Dhuusomareeb ka socda.

Wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa ku jira wafdiga Ra'isal Wasaaraha, waxaana Dhuusomareeb ka socota qabanqaabo ku aadan soo dhoweynta wafdigaas iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.

Sodaalkan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii heshiis hordhac ah laga gaarey colaad muddooyinkii u dambeeyey ka aloosneyd qaybo kamid ah gobolka, taasoo u dhexeysey mileeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidamada Dowladda Federaalka.

Waa markii ugu horreysey ee Ra'isal Wasaare Sharma'arke booqasho ku tago meel magaalada Muqdisho ka baxsan, laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey December 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM