Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Dhuusomareeb ku wajahan

Image

March 7, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharma'arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degamda Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Ujeedada booqashada Ra'isal Wasaaraha ayaa ah sidii uu ula kulmi lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Galguduud islamarkaana uga qayb geli lahaa shirka loogu gogol xaarayo maamul u sameynta gobollada dhexe ee Dhuusomareeb ka socda.

Wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa ku jira wafdiga Ra'isal Wasaaraha, waxaana Dhuusomareeb ka socota qabanqaabo ku aadan soo dhoweynta wafdigaas iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.

Sodaalkan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii heshiis hordhac ah laga gaarey colaad muddooyinkii u dambeeyey ka aloosneyd qaybo kamid ah gobolka, taasoo u dhexeysey mileeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidamada Dowladda Federaalka.

Waa markii ugu horreysey ee Ra'isal Wasaare Sharma'arke booqasho ku tago meel magaalada Muqdisho ka baxsan, laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey December 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM