Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo looga tacsiyeeyey geerida hooyadiis

Image

February 12, 2015 (GO)- Guddomiyaha Barlamanka Dowlada Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyey Ra'isal Wasaaraha Dowlada Federaalka geerida hooyadiis Ruqiyo Macalin Daahir oo ku dhimatey dalka Canada.

Jawaari ayaa uga baryey marxuumadda in Ilaah u naxariisto qoyskii ay ka tagteyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Si taas lamid ah waxaa Ra'isal Wasaare Sharma'arke ugu tacsiyeeyey xubnaha Golaha Wasiirada oo afkooda uu ka hadlayey Ku-xigeenka Ra'isal Wasaaraha Maxamed Cumar Carte.

"geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumada uu jannaadiisa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo" ayuu yiri Ra'isal Wasaare ku-xigeenku.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay tacsi u dirayaan qoyska Ra'isal Wasaaraha iyagoo marxuumad Ruqiyo Macalin Daahirna Ilaah uga baryaya in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM