Ra'isal wasaare Sharmaarke oo maanta Barlamanka hor tegaya

Image

December 24, 2013 (GO)- Ra'isal wasaaraha dhowaanta lasoo magacaabay ee Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta hortegi doona Barlamanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Todobaad kahor ayey ahayd markii lasoo magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu horay wasiirka koowaad uga soo noqday dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed hormuudka ka ahaa.

Magacaaabistiisa ayaa timid 11 maalmood kadib markii xildhibaanada Barlamanku kalsoonida kala laabteen Ra'isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo isaga iyo Madaxweynaha khilaaf muddo bilo ah soo jiitamayey soo kala dhex galay.

Hadii Barlamanku ansixiyo, Sharmaarke  wuxuu noqonayaa  ra'isal wasaarihii saddexaad ee muddo labo sano gudahood ah Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabo.

Sharmaarke oo ka hadlayey munaasabadii lagu soo magacaabay wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh taasoo sii dardar gelisa shaqada dowladda islamarkaana hirgelisa qorsheyaalka lagu gaarayo higsiga sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM