Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo si rasmi ah xilka ula wareegey

Image
Image
Image
Image

December 25, 2014 (GO)- Ra'isal wasaaraha cusub ee Dowlada Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegey Ra'isal wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xafiiska Ra'isal Wasaaraha islamarkaana kasoo qayb galeen Madaxweynaha iyo in badan oo kamid ah xubnaha xukuumaddii kalsoonida lagala noqdey waxaa ugu horeyn ka hadlay Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu xilka wareejinayo isagoo guul u rajeeyey mas'uulka lagu bedeley oo sida uu tilmaamay ah shaqsi karti, waayo aragnimo iyo aqoon ku filan u leh shaqadan.

Docda kale, Cabdiweli Sheekh wuxuu si kooban uga sheekeeyey waxqabadka xukuumaddiisii iyo weliba caqabadihii soo wajahay isagoo intaas raaciyey in uu diyaar u yahay hada wixii ka dambeeya aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa inuu dalka uga faa'iideeyo.

Ra'isal Wasaaraha dhowaanta lasoo magacaabay ee shalay Baralamanku ansixiyey Cumar Cabdirashiid oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahaceliyey Ra'isal Wasaarihii hore iyo xubnihii ku jirey golihii wasiirrada ee uu soo dhisey.

Sharmaarke wuxuu sheegay in xukuumaddii hore shaqo badan oo wax ku ool ah soo qabatey isagoo ballan qaadey in inta dhimanna sida ugu dhaqsaha badan xukuumadda cusubi u dhameystiri doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey Ra'isal wasaarihii hore isagoo guul u rajeeyey Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo looga fadhiyo inuu sida ugu dhaqsaha badan xukuumad kusoo dhiso.

December 17 ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay Cumar Cabdirashiid kadib markii Barlamanku kalsoonida kala noqdey xukuumadda Ra'isal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM