Ra'isal Wasaare xigeenka oo la kulmey guddiga gurmadka qaxootiga

Image

Muqdisho, May 25, 2015…Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xalay kulan la qaatay guddi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Haweenka, Wasiirka Dhalinyaradda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaaha.

Gudigaana ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dadka soo gaaray magaalada muqdisho iyo sida loo qaabilay, iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka tirade badan ee soo gaaray magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid ayaa gudiga uga warbixiyey dadka soo gaaray magaalada Boosaaso oo tiradoodu gaarayso 5,000 qof oo isugu jira Soomaali, Ethiopian iyo Yemaniyiin.

“Waxaa soo gaaray Boosaaso dad tiradoodu gaarayso 5,000 qof, waxaa gurmad lixaad leh u fidiyey dadka deegaanka oo ay hormuud u yihiin Culima u diinka, Ganacsatada iyo maamulka Puntland, waxaana dadka soo dhaafaya Boosaaso la siiyaa lacag jid mar ah oo ay ku gaaraan deegaamada ay ku wajahan yihiin. Waxaa jira dad faro badan oo ku sugan magaalada Mukulla oo ah dariiqa kaliya ee dadku soo maraan ku waas oo ku soo wajahan Soomaaliya” ayuu yiir Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa gudiga u sheegay muhiimada ay leedahay in loo diro wafti wasiiro ah Maamulka Puntland, si dadka halkaas jooga iyo kuwo imanaya ay isaga kaashadaan la socdkooda dhanka amniga iyo diwaan galintooda qaxootinimo.

Ugu danbayntii Gudiga ayaa baaq u diray Wasaaradaha in dhamaan shaqaalahooda dowlada ay ku wacyi galiyaan in qof walba iska jaro wuxuu awoodu mushaarkiisa, taasna waxaa iska kaashanaya Agaasimayaasha Wasaaradaha iyo Gudiga Gurmadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM