Ra'isal wasaarihii hore Norway oo Muqdishu tagay

Image

26 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Ra'ilsal wasaarihii hore Norway Kjell Magne Bondevik, ayaa maanta tagay magalada Muqdishu xarunta dalka Somalia isagoo kulan la qaatay mas'uuliyiin ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoomiyaha Barlamanka iyo ku-xigeenkiisa kowaad.

Kulanka mas'uuliyiinta ayaa salka ku hayay sidii looga wada hadli lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo qaabkii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, ayaa tilmaamay in dalka Norway uu ka mid yahay waddamada hormuudka u noqday qaabkii Somalia loo hormarin lahaa, wuxuuna xusay inay muuqdaan mashaariicda dalka ka fuliyeen.

Kjell Magne Bondevik, Ra'isal wasaarihii hore Norway oo hadda madax ka ah hay'ad lagu magacaabo Oslo Centre for Peace and Human Rights, ayaa Somalia ku ammaanay hormarka ay ka samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, wuxuuna sheegay Kjell inay hay'addiisu kaalin ka qaadan doonto hormarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay'addaha siyaasadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM