Ra'isal wasaraha Somalia oo ka hadley arrimo xasaasi ah [Dhageyso]

Image

Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo waraysi gaara siiyay Tv-ga Universal xaruntiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah, kuwaas buslshadu ka dhursugayeen in dowladdu ka hadasho.

Cumar ayaa si qoto dheer u sharaxay mowqifkooda ku aadan mooshinka dhawaan qaar kamid ah xildhibaanada Somalia ka keeneen madaxwaynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud, isagoona walaac badan ka muujiyay, cadeeyayna in dib udhac keenayso arinataani.

Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa iska fogeeyay eedaynaha loo soo jeediyay madaxwaynaha in xukuumadiisu wax kala socoto, iyadoona ayana kamid tahay dilal sharciga waa-faqsanayn oo Xasan Shiikh amray in la fuliyo, balse uu sheegay inay arintaani ka horaysay.

Mar wax laga waydiiyay inuu wakiil ka yahay madaxwaynaha xilliga uu hortagay Baarlamanka Somalia ayuu yiri.

"Wakiilka marka laguu sheegayo ma ahan inaan qareen u noqonayo, balse waxaa weeye khilaafaadkaasi waxa aan ka xalin karo inaan dhameeyo, ayna kala garbaxaan madaxwayanaha iyo Baarlamanka "

Cumar Cabdirashiid ayaa rajo fiican ka muujiyay dhamaystirka maamulka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyo ku naqoshada dastuurka dalka isagoona hoosta ka xariiqay bisha March in la ansaxiyo Datuurka cusub.

Sept 05,2015  ayaa gudoomiayaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa talo soo jeedin u soo gudbiyay xukuumada Ra'iisul wasaare Cumar in dhex dhexaadin ka samayso khilaafka ka dhex aloosan madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM