Ra'isal Wasare Sharma'arke oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaanka

Image

February 9, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystey xildhibaan ka tirsanaa barlamanka dowlada federaalka ah ee Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa lagu cambaareeyey dilka Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre oo mudo dheer kusoo jirey golaha barlamanka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale tacsi loogu direy eheladii iyo qaraabadii uu Xildhibaanku ka tegey iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo" qoraalka kaso baxay xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa sidaas lagu yiri.

Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab  ayaa toogasho ku dishey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad barqonimadii maanta xilli uu kusoo jeedey xarunta barlamanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM