Ra'isul Wasaaraha oo la kulmay wakiillo ka socda beesha caalamka

Image
Image
Image
Image

December 19, 2014 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa saaka kulamo salaan iyo hambalyo isugu jira la qaatay safiirrada Djabouti, Turkiga iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya. 

Safiirrada ayaa  soo gaarsiiyey Ra'isal Wasaaraha hambalyo ay ka sideen madaxda dalalkooda iyo xooghayha guud ee QM , waxayna  ballan qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowlada Soomaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka iyo weliba qaabka ugu haboon ee xukuumada lasoo dhisi doono iyo caalamku u wada shaqeyn karaan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Cumar C/rashiid ayaa uga mahadceliyay safiirrada dhambaallada hambalyada ah ee ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada xoogan ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doono xoojinayso cilaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM