Ra'isul wasaaraha Somalia oo dalka dib ugu soo laabtay

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdishu, ka dib shirkii 70-aad ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka oo uu ka qayb galay.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saraakiil kale ayaa ku soo dhaweyay garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Sharmake ayaa New York uga qayb galay shirka Qaramada Midoobay, waxaana khubad uu ka jeediyay ugu hadlay xaaladda Somalia isagoo xusay in haatan doonayaan sidii looga gudbi lahaa ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah Somaliyana gaarto isku filnaan.

Ra'isul wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban-ki Moon, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan siyaasadda Somalia, amniga iyo qaabkii lagu gaari lahaa doorashada 2016.

New York, waxaa sidoo kale Ra'isul wasaare Sharmake uga qayb galay shir looga hadlayay arrimaha Somalia isagoo la kulmay safiiro ka tirsan kuwa beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay inuu safarkiisii ku soo dhammaaday guul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM