​Raggii dilay Wariye Hindiya oo la toogtay

Image

MUQDISHU- Waxaa manta xukun qisaas ah lagu fuliyay labo nin oo ka dambeeyay dilka ALLAHA u naxariiste Wariye Hindiyo Xaaji oo dabayaaqadii sannadkii hore u dhimatay dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray gaarigeeda.

Cabdirasaaq Maaxmed Barrow Caddow iyo Xasan Nur Farax, ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul Polizia, waxaana lagu fuliyay  xukun dhawaan dul dhigtay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Raggan ayaa qirtay dambiga lagu xukumay, waxayna sheegeen inay katirsanyihiin kooxda Shabaab.

03 December, 2015 ka ayay ahayd markii  Barrow iyo Xasan Nuur Faarax qarax ku dhajiyeen gaariga Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre,waxaana 25-ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida dul dhigtay xukunno kala duwan oo midkood ahaa xabsi daa’im waloow ay ka laabtay islamarkaana 20-kii March labadaasi ninba ku xukuntay toogasho.

Dhinaca kale waxaa wali aan lagu fulin xukunkii dhawaan lagu riday Xasan Xanafi oo loo haysto dilka Wariyaal Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM