Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya oo xilka ka qaadey labo Wasiir

Image

MUQDISHU, Somaliya- Madaxweyne  Xasan Sheekh ayaa soo saarey Xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka ku sameeyey Labo Wasiir islamarkaana ku magacaabey xubno kale kuwasoo buuxin doona xilkaan mudada 60-ka cisho ah ee ka dhiman doorashada Somaliya.

Wasiirada xilalka laga qaadey ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali, wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamad, wasaarada caafimaadka.

Wasiirada waxbarashada Khadra Bashiir Cali ayaa wararka sheegayaan in xilkaan laga qaadey kadib markii ay lasoo gudboonaatey xaalad caafimaad halka Wasiirada wasaarada caafimaadka Xaawo Xasan xilkaan lagaga qaadey kadib markii cabashooyin ka yimaadeen mashaariic hay'adaha caalamiga siiyeeen wasaradaas.

Xubnaha kale ee xilalkaan buuxiyey ayaa kala ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo loo magacaabey wasaarada waxbarashada halka wasaarada caafimaadka loo magacaabey Maxamad Xaaji Cabdinuur.

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa horey wasiirul dowle uga soo noqdey wasaarada qorsheynta Puntland halka Maxamad Xaaji Cabdinuur walaalo yihiin Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Xil ka qaadista Wasiirada dumarka ah ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxda Somalia ku heshiiyeen in haweenka Somaliyeed Barlamanada la dooran doono laga siiyo saami ah 30%.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM