​Ra'isal wasaaraha Somalia oo cambaareeyay weerarka Galkacyo

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo ciidamo katirsan kuwa ammaanka.

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyhay shacabka Gaalkacyo si wada-jira meel ha uga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda,”Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Somalia, Cumar wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Somaliyeed, “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo”.

Cambaaraynta xukuumadda Somalia ayaa soo baxday iyadoo ilaa hadda wax war ah aysan kasoo bixin dowladda Puntland, waxaana falkii saaka ku dhintay 20 ruux halka dhaawacu gaarayo 40 in kabadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM