Ra'isal wasaaraha xilku Ka dhamadey oo ku wajahan Puntland

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar warsidaha GO  ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra'isal wasaraha xilku ka  dhamadey islamarkaana ah musharax u taagan doorashada maaxweynaha Somalia ku wajahan yahay maalmaha soo socda gobolada Puntland. 

Wararkaan ayaa sheegaya in safarka Cumar Cabdirashid salka ku hayo ololaha doorashada loogu jiro tartanka madaxwynaha Somalia kasoo dhici doona dabayaaqada sanadkaan.

Ilo ku dhow xafiiska Ra'isla wasaraha xilka kaga ekaa September 10, 2016 ayaa sheegaya in booqashadaan sidoo kale ku saabsan tahay sidii Cumar Cabdirashid u heli lahaa xubin kursiga aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ah.

Booqashada Cumar Cabdirashid ayaa ku soo beegmeysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland siyaasiyan tageerayo Xasan  Shiikh in dib loogu doorto xafiiska Madaxweynaha Somalia. 

Booqasho tan lamid ah ayaa wararka kale ee laga helayo Villa Somalia xusayaan in madaxweynaha xilku ka  dhamadey Xasan Shiikh ku tagayo Puntland asbuucyada soo socda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM