Ra'isal wasaarahii hore ee Somalia oo ku guuldareystey inuu xabad joojin dhexdhigo Puntland iyo Galmudug

Image

GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaarahii hore ee Somalia oo ku sugan magaalada Garowe ayaa ku guuldareystey inuu wadahadal isugu keeno maamulada Puntland iyo Galmudug kuwasoo dagaal galey asbucii sadexaad  ku dhexmarayo magaalada Galkacayo.

Cumar Cabdirashid oo inta uusan Imaan magaalada Garowe 15/10/2016 booqasho ku soo marey magaalada Caddaado ayaa kulan garoonka diyaaradaha ee xarunta Puntland kula qaatey  Madaxweyne Gaas kasoo markaas u dhoofayey wadanka Imaaraadka Carabta.

Warsidaha GO oo horey u shaaciyey heshiis Madaxweynaha Puntland ka aqbaley Ra'isal wasaarihii hore kaasoo madaxda dowlada Federaalka ee waqtigoodu dhamaadey qayb ka ahaayeen ayaa fashilmey kadib markii qodobada uu ka koobnaa diideen saraakiisha Puntland kuwasoo ku sugan magaalada Galkacayo.

Madaxda dowlada Federaalka oo ka dhamaadey waqtigii kuwasoo kaga ekaa Sep10,2016 ayaa waxaa dhuntey kalsoonida ay ku qabaaan dhinacyada isku haya magaalada Galkacayo iyadoo jiraan warar sheegaya in ciidamo ka tirsan Federaalka qayb ka yihiin dagaalada ka socda magaalada Galkacyo.

Dhinaca kale waxaa aad u xumaadey xiriirka shaqo ee u dhexeeya madaxda dowlada Federaalka ee xilkoodii dhamaadey kuwasoo isku khilaafsan tartanka mid walba ugu jiro sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka Madaxweynaha Somalia kasoo soo shaac baxey dhowaan kadib markii Xasan Sheekh diidey in Cumar Cabdirashid u soo diro diyaarad uu uga qayb galo caleemo saarka maamulka Hir-Shabeele.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale maanta dib ugu soo noqonaya magaalada Bossaso isagoo lamfilayo inuu halkaas kula kulmo qabaa'il diidan siyaasada uu dalka ku hogaaminayo.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ah in wadahadal la galo Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri kaasoo hogaaminayo maleeshiyaad beeshiisa ah. Gaas ayaa wararku sheegayaan in Galan ka codsan doono sidii Ciidamada uu hogaaminayo ugu soo biiri lahaayeen howlgalada ciidan ee ka socda magaalada Galkacayo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM