Roob gaystay khasaaro hantiyeed oo ka da'ay nawaaxiga degmada Buuhoodle

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Khasaaro hantiyeed ayaa laga soo sheegayaan tuulo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ka dib Roobab laxaad leh oo xalay ka da'ay.

Roobka ayaa la sheegay inuu qiyaastii da'ayay ilaa Shan saacadood oo xiriir ah, wuxuuna sameeyay daadad xooggan oo kalifay in dadku ka baxaan guryahooda.

Tuulada  Bandan oo 24 kilomitir dhanka bari ka xigta magaalada Buuhoodle, ayaa ka mid ah meelaha daadadka Roobkaasi saameeyay, waxaana dadka deegaanku sheegayaan in gabi ahaan buuxsameey guryihii hantidu u taallay.

Xasan Faarax waxa uu ka mid yahay dadka deggan tuuladaasi, BBC-da uyuuna u sheegay in goobihii ganacsiga iyo gabi ahaanba tuulada Biyo dhexfadhiyaan dadkuna ku suganyihiin banaanka tuulada.

Qaybo kale oo ka mid ah deegaanada Puntland ayaa xalay Roobsaday, waxayna ku soo beegmasaa xilli ay jirto abaar iyo biyo la'aan kaliftay in Puntland ku dhawaaqdo xaalad dag dag ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM