​RW Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin; xiriirka Soomaliya iyo UK, amniga, xasilinta iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016.

Ra’iisal wasaare Sharmaarke ayaa warbaxin ka siiyay xaalada dalka uumarayo wasiirka arrimaha Afrika ee UK, waxa uunan sidoo kale uga mahadceliyay muuhimada Ingiriisku siinayo dib u dhiska  iyo taageerida dowladda.

“Xukuumadda Soomaaliya waxey diiradda saartay arrimaha amniga iyo xasilinta dalka si loo suurtageliyo doorasho dalka ka dhacda sannadkan 2016, waxaan UK uga mahadcelinayaa in ay hormuud ka tahay dadaalka Soomaaliya lagu xasilinayo; xukuumadda waxaa ka go’an in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah islamaarkaan dadka Soomaaliyeed gaarsiisa xasilooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad waarta,” Ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay kulanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dib u heshiisiinta si amniga dalka uu u sugnaado, Sidoo kale Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ay ugu jirto xasilinta dalka islamarkaana UK ay dooneyso in horumarka ballaaran ee laga sameeyay amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM