​RW Cumar oo isu-sharaxay madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Cumar ayaa maanta dhawaaqay arrintaasi, waxaana uu faah faahin ka bixiyay sababta ku kalliftay inuu jagadaasi isu taago xilli maalinta barri ah laguwado inuu furmo shirkii ugu dambeeyay madasha wadatashiga qaran ee looga hadli doono doorashada dalka.

Shaacintan ayaa timid xilli bilo ka hor Cumar ka gaabsaday su'aal ku saabsanayd inuu raadinayo jagada uu iminka isu taagay, wuxuuna sheegay inuusan wali ka fakarin laakin dib kasoo gudbin doono.

Warar laga helayo madaxtooyada Somalia ayaa sidoo kale sheegaya in ku dhawaaqistaan ay timid kadib markii wadahadalo u dhexeeyeen maalmihii lasoo dhaafey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashid kuwasoo diirada saarayey sidii ay raali isaga noqon lahaayeen isu taagista xilkaan.

Sanadkii 2012 doorashadii ka dhacdey Muqdishu ayaa  khilaaf siyaasdeed dhexmarey Ra'isal wasaarahii xiligaas iyo madaxweyne Shiikh Shariif kaasoo sababey inuu ku guuleysan waayey doorashada Madaxweynaha Somalia.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo markaas ahaa Ra'isal wasaare dowladii madaxweyne Shiikh Shariif ayaa doorashada 2012 codadka uu heley ku biiriyey madaxweynaha iminka xilka haya Xasan Shiikh.

Cumar oo iminka ah Wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia ayaa labo jeer noqday Ra'isal wasaaraha dalka.

Faah faahinta waxaan idiin kusoo gudbin doonnaa wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM