​RW Cumar oo isu-sharaxay madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Cumar ayaa maanta dhawaaqay arrintaasi, waxaana uu faah faahin ka bixiyay sababta ku kalliftay inuu jagadaasi isu taago xilli maalinta barri ah laguwado inuu furmo shirkii ugu dambeeyay madasha wadatashiga qaran ee looga hadli doono doorashada dalka.

Shaacintan ayaa timid xilli bilo ka hor Cumar ka gaabsaday su'aal ku saabsanayd inuu raadinayo jagada uu iminka isu taagay, wuxuuna sheegay inuusan wali ka fakarin laakin dib kasoo gudbin doono.

Warar laga helayo madaxtooyada Somalia ayaa sidoo kale sheegaya in ku dhawaaqistaan ay timid kadib markii wadahadalo u dhexeeyeen maalmihii lasoo dhaafey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashid kuwasoo diirada saarayey sidii ay raali isaga noqon lahaayeen isu taagista xilkaan.

Sanadkii 2012 doorashadii ka dhacdey Muqdishu ayaa  khilaaf siyaasdeed dhexmarey Ra'isal wasaarahii xiligaas iyo madaxweyne Shiikh Shariif kaasoo sababey inuu ku guuleysan waayey doorashada Madaxweynaha Somalia.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo markaas ahaa Ra'isal wasaare dowladii madaxweyne Shiikh Shariif ayaa doorashada 2012 codadka uu heley ku biiriyey madaxweynaha iminka xilka haya Xasan Shiikh.

Cumar oo iminka ah Wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia ayaa labo jeer noqday Ra'isal wasaaraha dalka.

Faah faahinta waxaan idiin kusoo gudbin doonnaa wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM