Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo isku shaandheeyey golihiisa wasiirrada

Image

October 25, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiirrada. Isku-shaandheynta ayaa si gaar ah u saamaysay siddeed wasaaradood. Ma jiro mas'uul booska laga saaray waxaase aad loo hadal hayaa Wasiirkii Garsoorka Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo laga dhigay Wasiirka Xanaanada Xoolaha. Faarax Cabdulqaadir ayaa kamid ah shaqsiyaadka ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Is-badalka uu sameeyay wasiirka koowaad ee Somalia ayaa waxaa saaka warbaahinta dowladda ka akhriyay wasiirka warfaafinta Mustafe Sh.Dhuxulow waxayna u qornayd sida tan.

1- Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed
Horay: Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka.
Hadda: Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

2- Saalim Caliyo Ibrow
Horay: Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
Hadda: Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka.

3- Burci Maxamed Xamza
Horay: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda.
Hadda: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

4- Cabdulaahi Maxamed Nuur
Horay: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
Hadda: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda.

5- Fahmo Axmed Nuur 
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga.

6- Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wershedaha.
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Dibadda.

7- Mahad Maxamed Salaad
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Dibadda.
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

8- Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow
Horay: Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
Hadda: Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.

Isku-shaandheynta ayaa ahayd mid maalmihii u dambeeyey la hadal hayey inkastoo la saadaalinayey in wasiirro badan xilalka laga qaadi doono kuwo kale oo cusubna lasoo magacaabi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM