RW Sharma'arke oo golihiisa cusub Barlamanka horgeynaya

Image

February 9, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maanta oo Isniin ah xukuumadiisa cusub hor keenaya Golaha Barlamanka si xildhibaanadu codka kalsoonida ugu qaadaan.

Fadhiga barlamanka waxaa lagu wadaa inay  soo xaadiraan ku dhowaad 240 mudane oo xilligan Muqdisho ku sugan.

Laga soo bilaabo Dec  17, 2014 markaasoo Cumar Cabdirashiid loo soo magacabay Ra'isal Wasaaraha Dowlada Federaalka, wuxuu soo dhisey saddex xukuumadood oo labo kamid ah uu dib ula noqdey isagoon barlamanka hor keenin.

Haddii barlamanku kalsoonida u diido xukuumada waxay taasi dhabar jab ku noqon doontaa habsami u socodka shaqada dowlada maadaama waqtiga haray aad u  kooban yahay qorsheyaalka la doonayo in la fuliyana badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM