R.W Sharma'arke oo soo gabagabeeyey safarkiisii Kismaayo

Image

Muqdisho, 27, May, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, waxana garoonka ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada golle, Saraakiisha Ciidanka, iyo dadweyne kale.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda Jubaland iyo qaabka ugu hoboon ee loo xalin karo tabashooyinka ay ka qabanaa baarlamaanka cusub ee Jubaland qaar ka mid ah dadka deegaanku.
 
“Maamulka Jubaland si wanaagsan ayeey noo soo dhaweyeen, waaxana isla gaarnay is afgarad, kaas oo uu faafaahiyey Wasiiru Dowlaha Warfaafinta. Jubaland iyo dowlada federaalka waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxyaalaha hada cabashadu ka jirtana waxay xukuumadu u saaraysaa guddi la fariista dadka cabanaya iyo maamulka Jubaland, waxaana rajo ka qabaa in arrimuhu u xalismayaan si dhaqso ah  hadii Alle Idm”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubaland ay isku soo qaadeen arrimaha dastuurka iyo dhamaystirka higsiga 2016
 
“Maamulka Jubaland waxaan iska xog waraysanay halka ay marayso isku dhafkii ciidanka iyo diyaarinta ciidankii loo qoondeeyey iney ka mid noqdaan ciidamada qaran ee hada uu socdo asaaskooda, waxaa kale oo isla soo qaadnay arrimaha dastuurka oo u dub dhexaad u ah in dalkaan la gaarisiiyo higsiga 2016” ayuu yiir markale RW Cumar.
 
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey sida diiran ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Shacabka reer Jubaland, Wuxuuna ku timaamay in safakaas ahaa mid guul ku soo idlaaday.

---DHAMMAAD---

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM