R.W Sharma'arke oo soo gabagabeeyey safarkiisii Kismaayo

Image

Muqdisho, 27, May, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, waxana garoonka ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada golle, Saraakiisha Ciidanka, iyo dadweyne kale.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda Jubaland iyo qaabka ugu hoboon ee loo xalin karo tabashooyinka ay ka qabanaa baarlamaanka cusub ee Jubaland qaar ka mid ah dadka deegaanku.
 
“Maamulka Jubaland si wanaagsan ayeey noo soo dhaweyeen, waaxana isla gaarnay is afgarad, kaas oo uu faafaahiyey Wasiiru Dowlaha Warfaafinta. Jubaland iyo dowlada federaalka waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxyaalaha hada cabashadu ka jirtana waxay xukuumadu u saaraysaa guddi la fariista dadka cabanaya iyo maamulka Jubaland, waxaana rajo ka qabaa in arrimuhu u xalismayaan si dhaqso ah  hadii Alle Idm”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubaland ay isku soo qaadeen arrimaha dastuurka iyo dhamaystirka higsiga 2016
 
“Maamulka Jubaland waxaan iska xog waraysanay halka ay marayso isku dhafkii ciidanka iyo diyaarinta ciidankii loo qoondeeyey iney ka mid noqdaan ciidamada qaran ee hada uu socdo asaaskooda, waxaa kale oo isla soo qaadnay arrimaha dastuurka oo u dub dhexaad u ah in dalkaan la gaarisiiyo higsiga 2016” ayuu yiir markale RW Cumar.
 
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey sida diiran ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Shacabka reer Jubaland, Wuxuuna ku timaamay in safakaas ahaa mid guul ku soo idlaaday.

---DHAMMAAD---

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM