R.W. Sharmaarke: "dhamaan xildhibaanada lama wada qancin karo"

Image

December 27, 2014 (GO)- Ra'iisal Wasaaraha Dowalada Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uu kusoo dhisi doono xukuumad aan ka badneyn 25 wasiir.

Sharmaarke oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Federaalka wuxuu sheegay in xukuumaddu noqon doonto mid dhammaan dhinacyada siyaasadu ku qanacsan yihiin la tashiyo badanna uu sameyn doono kahor intuusan soo magacaabin xukuumadda.

Ra'isal wasaaruhu wuxuu dhanka kale cadeeyey in cadaadis ka haysto dhinacyo badan maadaama ay jiraan mas'uuliyiin xildhibaano u badan oo u xusul duubaya sidii ay golaha wasiirada uga mid noqon lahaayeen. HALKAN KA DHEGEYSO

Cumar Cabdirashiid wuxuu ka codsaday dhammaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee iska dhex arki waaya golaha wasirrada cusub inay u dulqaataan, isagoo xusay inaysan suurogal ahayn qof kasta oo xil raadis ah in la qanciyo.

Dhismaha maamul goboleedyada dalka mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in xukuumaddiisu xoogga saari doonto soo dhameystirka maamullada qaybta ka noqonaya Dowlada Federaalka. Ra'isul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xasiloonida dalku ku jirto dhismaha maamullada.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in caqabadda koowaad ee xukuumadiisu wajaheysaa tahay waqtiga harsan oo aad u kooban iyo shaqooyinka ay tahay in la qabto oo aad u badan una baahan dadaal dheer si looga mira dhaliyo qorshaha Dowlada Federaalka ee sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM