​RW Sharmake iyo Farole oo Dubai ku kulmay

Image
Image
Image

Ra'isal wasaraha Somalia Cumar Candirashid Sharmaake iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa galabta waqtiga Dubai ku kulmey Hotel Grand Hayatt wadanka Imaraadka Carabta.

Labada mas'uul ayaa kawada hadlay sida aan ku heleyno wararka xaalka Somalia gaar ahaan doorashooyinka dalka waddanka ka dhacaya dabayaqada sanadkaan 2016.

Waxay si qoto dheer uga doodeen marxaladda kala guurka ah iyo Somalida sida looga saari karo xaaladda ay ku jirto, iyagoo sheegay inay lama huraantahay  in dalka isbadal uu ka dhaco.

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa weli ku dhawaaqin musharaxnimada xilka Madaxweynaha Somalia sanadka 2016 balse warar lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegaya in dhowaan ku dhawaaqi doono inuu u tartamayo xilkaan.

Cumar Cabdirashiid ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka, waxaana kulankan kusoo beegmay xilli madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Farole dhawaan lagu soo sagootiyay dalka Australia isagoo la kulmi doona jaaliyadda Somaaliyeed ee ku sugan waddanka Imaaraadka.

Loollanka loogu jiro hogaaminta Somalia ayaa kasocota dalka iyo dibadiisa, waxaana murashaxiin badan oo isu soo taagay jagada madaxweynaha dalka iyo kuwa si hoose u wata loollankiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM