RW Somalia oo cambaareeyay weerarka Muqdishu

Image

GAROWE- Ra’isal wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Somali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena tabaalaysan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaraha oo haatan ku sugan magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo lala beegsaday dhaqaatiirta ka howlgalaysay cusbitalka Deva, kaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo halka dhaawaca uu u rajeeyay caafimaad taam ah iyo inay kasoo kacaan dhibkaasi loo gaystay.

"Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyagoo shacabkeena u gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga,”Ayuu yiri Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid.

Cumar, ayaa ku baaqay in gacan la siiyo ciidamada ammanka Somalia, si looga fogaado weeraradan oo kale, wuxuuna sheegay in arrimahan weecin doonin tubta toosan ee lagu jiro.

Cambaaraynta wasiirka Koowaad ee xukuumadda Somalia ayaa timi xilli galinkii dambe maanta weerar lagu dilay lix ruux oo labo kamid ah Turkish ahaayeen, waxaana ilaa hadda jirin cid si rasmi ah u sheegatay falkaasi iyo shakhsiyaad loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM