RW Somalia oo cambaareyay weerarka Jannaale

Image

1 September, 2015(GO)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Shabeelada hoose.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka kooxaha nabad diidku ay ku qaadeen ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen ciidamada naftood hurayaasha ah” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Somalia

Sharmake ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidankaasi naftooda ku waayay difaaca iyo xasilinta Somalia.

“Qorshaheenu waa in dalka laga sifeeyo haraadiga kooxahaasi caadeystay daadinta dhiiga ummada, waana muhiimada koowaad ee Xukuumadeyda sidii looga ciribtiri lahaa goobaha yar ee ay weli ku harsan yihiin”.

Ma ahan weerarkii ugu horeysay ee lala eegto ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM