RW Somalia oo ka hadlay xuska maalinta Shaqaalaha

Image

MUQDISHU- Ra'isul Wasaaraha xukuumadda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa munaasabada 1da May, 2016 oo ku astaysan maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhamaan ummadda Somaliyeed gaar ahaa shaqaalaha dowliga ah iyo kuwa shacabka ah.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqada iyo horumarka dalka guud ahaan,” Sidaasi waxaa yiri wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia

Cumar, ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

“Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa. Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa,” Ayuu yiri Cumar.

Meelo badan oo Somalia kamid ah, waxaa maanta lagu qabtay munaasabado lagu xusayo maalinta loo asteeyay Shaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM