RW Somalia oo laga gudbiyey Dacwad

Image

MUQDISHU- Xisbiyadda siyaasada ee ka dhisan magalada Muqdisho ayaa maalinkii shalay dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa u gudbiyay xafiiska maxkamadda sare ee Somalia.

Dacwadan oo ay ku saxiixan yihiin 22-xisbi ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Odawadaa hor taagan yihiin xaqa uu dastuurku siinayo axsaabta syaasadeed, isla markasna xafiiska wasiirka koowaad aan weli laga soo gudbin xeerka axsaabta si uu u noqdo sharci. 

Gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa dacwadan ka qabtay xisbiyada caraysan kuwaasoo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inay xaq u lee yihiin inay helaan xeerkaasi oo dhaqan gal ah. 

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur "Tarsan" ayaa sheegay xisbiyadan inay mar kasta diyaar u yihiin inay dalka ka saaraan nidaamka 4.5, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay shacabka in talada lagu celiyo.

Lama oga sababta waqtigaan ku soo beegtey in xisbiyadaan dacwada gudbiyaan xilli madaxda Somalida isku khilaafeen qaabka loo soo dooranayo Barlamanka Somalia marka la gaaro sanadakana dabayaqadiisa.

Wax jira siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadaan oo aaminsan in Barlamanka Federaalka ah ee hadda jira loo kordhiyo kaidb-na wadanka laga qabto doorashada gudoomiyaha barlamanka, labada ku-xigeen iyo madaxweynaha dowlada Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM