Saamayn ka dhalatay fatahaadda wabiga Jubba

Image

12 November, 2015(GO)-Wabiga Jubba ayaa fatahaad ballaaran ka sameeyay degmada Buurdhuubo gobolka Gedo, ka dib roobab da'ay shan saacadood oo xiriir ah.

Daadadka wabiga ayaa la tagay, dalagii beeralayda, guryahoodii iyo weliba xoolo nool.

Xaaladda bulshada ku dhaqan degmada Buurdhuubo, ayaa halis ku jirta, waxaana ka dillaacay Kaneeco kor u qaadi karta dhibaatada deegaanka ka jirta.

Dadka ku nool goobaha wabigu saameeyay oo la hadlay warbaahinta, ayaa codsaday inay lala soo gaaro kaalmo sida ugu dhaqsaha badan, maadama aysan haysan, Guryo iyo cunto.

Dhawaan dowladda Federaalka ayaa magacowday guddi la socda xaaladda fetahaado ay sameeyaan wabiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM