Saddex ku dhimatey shil gaari oo ka dhacay Jowhar

Image

February 7, 2015 (GO)- Saddex qof ayaa ku dhintey afar kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari askar booliska degmada ka tirsani wateen iyo gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah.

Gaashaanle Khaliif Cabdulle Cabdi oo kamid ah saraakiisha booliska Shabeelada Dhexe ayaa idaacada VOA-da u sheegay in saddexda qof ee geeriyootey labo kamid ahi askar yihiin midka saddexaadna rayid ahaa.

Khaliif Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in gaariga boolisku khaladka lahaa maadaama isaga oo xawaare sare ku socda uu dib kaga dhacay gaariga xamuulka oo ka horreeyey.

Boqollaal qof ayaa sanad walba ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badankooda loo aaneeyaa khibrad yarida wadeyaasha gaadiidka iyo jidadka oo burbursan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM