Saddex ku dhimatey shil gaari oo ka dhacay Jowhar

Image

February 7, 2015 (GO)- Saddex qof ayaa ku dhintey afar kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari askar booliska degmada ka tirsani wateen iyo gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah.

Gaashaanle Khaliif Cabdulle Cabdi oo kamid ah saraakiisha booliska Shabeelada Dhexe ayaa idaacada VOA-da u sheegay in saddexda qof ee geeriyootey labo kamid ahi askar yihiin midka saddexaadna rayid ahaa.

Khaliif Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in gaariga boolisku khaladka lahaa maadaama isaga oo xawaare sare ku socda uu dib kaga dhacay gaariga xamuulka oo ka horreeyey.

Boqollaal qof ayaa sanad walba ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badankooda loo aaneeyaa khibrad yarida wadeyaasha gaadiidka iyo jidadka oo burbursan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM