​Saddex qof oo lagu dilay Buurgaabo Jubbada hoose

Image

BUURGAABO- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buurgaabo gobolka Jubbada hoose ku dilay saddex ruux oo shacab, waxaana sidoo kale la dhaawacay lix kale kadib markii ay rasaas ku fureen xilli ay ku jireen shaqo ku salaysan waxyaabaha ay kasoo saartaan nolol maalmeedkooda.

Dadka dhintay, ayaa goob joogayaal aan la xiriirnay noo sheegeen inay ku guda jireen jarista dhir ay ka samaystaan dhuxusha, waxaana arrintani timi mallayshiyaadka Shabaab deegaanada gacanta ku hayaan gobolkaasi ka mamnuuceen tallaabadan dadku qaadeen.

Deegaanka Buur-gaabo, waxa uu ilaa 240 KM dhinaca  koonfur galbeed uga beegan yahay magaalada Kismaayo.

Waa markii ugu horaysay gobolka la shaaciyo dad loo toogtay arrin ku aadan dhuxusha.

Lama garanayo sababta iyo danta Shabaab ka leeyihiin mamnuucista in la jaro dhirta dhuxusha laga sameeyo, balse waxay ku aadaysaa xilii warbixin sanadkii 2014kii soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in hal milyan oo jawaan oo dhuxul ah la dhoofiyay iyadoo ciidamada Kenya ay goobjoog ahaayeen, dhuxushaas oo horey u tiilay dekedda Kismaayo.

Go'aanka Qaramada Midoobay majirto cid u hogaansantay, balse waxaa weli deegaano katirsan Somalia si qarsoodi ah looga dhoofiyaa dhuxusha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM