Saddex sarkaal oo 24saac gudahood Muqdisho lagu diley

Image

April 26, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24tii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho lagu diley.

Dabley hubeysan ayaa barqonimadii maanta ku dilay agagaarka isgoyska KPP ee degmada Hodan sarkaal ka tirsanaa ciidamada asluubta oo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Kamaal Ismaaciil.

Xuseen Cabdi oo isna ahaa mas'uul ka tirsan maamulka degmada Xamarjajab ayaa isla maanta toogasho lagu diley.

Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Dayniile oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Maxamed Bariise ayaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho lagu diley.

Dilalkan waxaa qaarkood mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab ilaa iyo haddana ma jirto cid falalkan ammaan darrida ah lala xiriirinayo oo laamaha ammaanku qabteen.

Shalay waxaa suuqa Bakaaraha lagu diley siyaasi horay uga soo mid noqdey barlamanka federaalka oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cali Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM