Safaaradda Somalia ee Nairobi oo la dhagax dhigay

Image

07 November, 2015(GO)-Mas'uuliyiin uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa ka qayb galay dhagax dhiga dib u hagaajinta safaaradda Somalia ee magalada Nairobi.

Dhulka safaarada Somalia ku taalo ayaa gacanta Somalia ku soo laabatay sanadkii 2010, ka dib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi, kaasi oo dhulkan iibsaday sagaashameeyadii.

Ra'isal wasare, Sharmake, ayaa xusay in xukuumadda Somalia ku hawlantahay sidii dib loogu soo celin lahaa safaaradihii dalku ku lahaa caalamka.

Lacag badan ayaa ku bixi doonta dib u dhiska lagu samaynayo safaaradda, waxaana safiirka Somalia u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan bulshada Somaliyeed ka codsaday inay gacan ka gaystaan sidii loo hagaajin lahaa dhismahan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM