​Saldhiga Al Shabaab ee Diinsoor oo la bur-buriyay

Image

BAYDHABO- Wararka aan caawa ka helayno degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa sheegay in la bur-biriyay saldhig kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Misre oo katirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgalkan oo la sheegay inuu ahaa mid qorshaysan, ayaa waxaa fuliyay ciidamo gaar ah oo katirsan Booliiska maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana lagu soo qabqabtay mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab sida wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, kasoo xigatay wasiirka hub kadhigista iyo dhaqancelinta maamulkaasi, Xasan Xuseen Maxamed.

“Howlgalku Caawa ayuu dhacay, qasaare wuu jiraa dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa isagoo faahfaahsan laakin waxaa idin xaqiijinayaa in caawa Ciidamada Booliska Gaarka ah burburiyeen Saldhiggii Al Shabaab ee deegaanka Misre ee magaalada Diinsoo,r”Ayuu yiri Wasiir Xasan Eelaay.

Wuxuu intaas ku daray in mallayshiyada saldhigga joogtay isku dayeen inay iska caabiyaan ciidamada, balse loo awood sheegtay gacantana lagu soo dhigay xubno katirsan kooxdaasi oo uusan tiradooda sheegin.

Dhawaan ayaa maamulkaasi loo tababaray ciidamo Booliis gaar ah, kuwaasi ilaa hadda dhowr howlgal fuliyay, waxayna kusoo beegmaysa xilli kooxda Al Shabaab howlgallo iyo weeraro ka fuliyaan qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa magaalada Muqdishu lagu maxkamadeeyay rag la sheegay inay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday magalada Baydhabo kaasi oo dad badan ku dhinteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM