​Saldhiga Al Shabaab ee Diinsoor oo la bur-buriyay

Image

BAYDHABO- Wararka aan caawa ka helayno degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa sheegay in la bur-biriyay saldhig kooxda Al Shabaab ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Misre oo katirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgalkan oo la sheegay inuu ahaa mid qorshaysan, ayaa waxaa fuliyay ciidamo gaar ah oo katirsan Booliiska maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana lagu soo qabqabtay mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab sida wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, kasoo xigatay wasiirka hub kadhigista iyo dhaqancelinta maamulkaasi, Xasan Xuseen Maxamed.

“Howlgalku Caawa ayuu dhacay, qasaare wuu jiraa dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa isagoo faahfaahsan laakin waxaa idin xaqiijinayaa in caawa Ciidamada Booliska Gaarka ah burburiyeen Saldhiggii Al Shabaab ee deegaanka Misre ee magaalada Diinsoo,r”Ayuu yiri Wasiir Xasan Eelaay.

Wuxuu intaas ku daray in mallayshiyada saldhigga joogtay isku dayeen inay iska caabiyaan ciidamada, balse loo awood sheegtay gacantana lagu soo dhigay xubno katirsan kooxdaasi oo uusan tiradooda sheegin.

Dhawaan ayaa maamulkaasi loo tababaray ciidamo Booliis gaar ah, kuwaasi ilaa hadda dhowr howlgal fuliyay, waxayna kusoo beegmaysa xilli kooxda Al Shabaab howlgallo iyo weeraro ka fuliyaan qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayaa magaalada Muqdishu lagu maxkamadeeyay rag la sheegay inay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday magalada Baydhabo kaasi oo dad badan ku dhinteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM