​Saldhigga Al Shabaab ee Baladul Amiin oo la bur-buriyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda Somalia kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig kooxda Shabaab kulahaayeen deegaanka Baladul Amiin ee gobolkaasi.

Majirin wax iska hor imaad ah oo dhexmaray labada dhinac, balse si nabad ah ayaa ciidamadu kula wareegeen xaruntaasi oo la sheegay in ururka Shabaab ku qaadi jireen lacag baad ah islamarkaana u ahayd xaruntooda gobolkaasi.

Saraakiisha amniga ee ciidamadaasi hogaaminaysay ayaa la kulmay odoyaasha dhaqan waxayna kala hadleen qaabkii loola shaqayn lahaa ciidamada nabad-galyada  islamarkaana ka qayb qaataan sidii kooxda aysan ugusoo laaban deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana la sheegay in ciidamadu qabteen ilaa 8 ruux oo looga shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin Mallayshiyada Shabaab.

Waxaa sidoo kale wararku intaas ku dareen in ciidamadu dawo u qaybiyeen bulshada waloow aysan jirin baaritaano ay sameeyeen.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin kooxda Shabaab waxaana socda dadaalo dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed kaga hortagayaan howlgallada kooxdaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM